Duqa magaalada Muqdisho oo daah-furay shirweyne muhiim ah + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa daah-furay shirweyne looga hadlaayo nidaamka casriga ah ee diiwaan-gelinta madaniga,taasi oo ay ka qeyb galayaan Maamul goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir.

Shirkaan oo socon doonna muddo afar maalin ah ayaa looga hadlayaa sidii loo heli lahaa diiwaangelin mideysan oo casri ah taasi oo ay ka shaqeenayaan Dowladdaha Hoose iyo Hey’addaha tira-kobka, si loo helo tiro koob sax ah oo loogu sameeyo Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka.

Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in hirgelinta nidaamkaan uu muhiim u yahay shacabka Soomaaliyeed si loo helo Nidaam (Diiwaangelinta Madaniga) oo mid ah taasi oo ka hirgela dalka oo dhan. Waxaa uu sidoo kale sheegay in hirgelinta mashruucaan uu qeyb weyn ka qaadan doono sugida Amniga iyo xuquuq helida Bulshada.

        

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here