Duqa magaalada Muqdisho oo digniin culus soo saaray + Sawirro

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kormeer kadis ah ku tagay qaar kamid ah wadooyinka Caasimadda si uu Nadaafada wadooyinkaasi ugala xisaabtamo maamulada degmooyinka.

Duqa magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aan la aqbali doonin nadaafaddarida kajirta qaar kamid ah wadooyinka Caasimadda islamarkaana maamul kaste lagula xisaabtamayo bilicda degmadiisa.

Inta uu kormeerkani islaxisaabtanka socday ayaa gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho waxa uu taalada Daljirka Dahsoon kula kulmay ciidanka Isxilqaan oo u istaagay qurxinta bilicda Caasimadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here