Duqa magaalada Muqdisho oo kormeer shaqo sameeyay + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kormeer shaqo ku tagay xarunta Dad-dhigista Dowladda Hoose ee Xamar si uu ugu kuurgalo adeegyada loo haayo Bulshada Soomaaliyeed.

Xaruntaan oo ka mid ah xarumaha ugu muhiimsan Dowladda Hoose ee Xamar ee adeegyada Bulsho bixisa ayaa waxaa uu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir warbixino halkaasi kaga dhageystay Agaasinka waaxda Dad-dhigista iyo qaar ka mid ah Bulshada halkaasi usoo doontay in ay ka helaan Warqadada Cadeemaha ee Dhalashada iyo Sugnaanta.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa kula dardaarmay Howlwadeenada Waaxda Dad-dhigista Dowladda Hoose ee Xamar in ay shacabka Soomaaliyeed ugu adeegaan sida ugu haboon, Asigoona ka digay in lagu kaco Eex iyo Musuq.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here