Duqa Muqdisho oo kormeeray isbitaalka Banaadir + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta kormeeray isbitaalka Hooyada iyo Dhalaanka ee Banaadir oo si bilaash ah loogu qidmeeyo bulshada Caasimadda.

Kormeerkan waxaa duqa magaalada Muqdisho ku wehlinaaye wasiirka Caafimaadka XFS Marwo Fowziyo Abiikar Nuur, iyagoo warbixin ku saabsan xaalada isbitaalka ka dhageestay maamulka Isbitaal Banaadir kuwaas oo tilmaamay in si hufan ay ugu adeegaan bukaanda.

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kormeerkaasi kadib waxa uu sheegay in maamulka gobolka Banaadir ay ka go’an tahay horumarinta adeegyada Caafimaadka si bulshada u helaan adeegyo Caafimaad oo taya leh islamarkaana bilaash ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here