Duqa magaalada Muqdisho oo maanta la kulmay Hooyo Iisha Qaasim + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) -Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Maama Iisha Qaasim oo ah Hooyo Soomaaliyeed oo in mudda ah galab kaste oo Jimca ah si isxilqaan ah  Caruurta wax ku barta Dugsiyada Qur’aanka Kariimka ee ku yaala Degmada Xamar Jajab u sameysa Cunooyinka Wadaniga ah, si caruurtaas ay ugu duceeyaan Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Madaale ayaa ku amaanay Hooyo iisha Qaasim doorkaas wax galka ah oo ay ku muujineyso Dal jaceylka iyo muhiimada ay lee dahay Midnimada Ummada Soomaaliyeed,

Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa qiima lacageed oo dhiiragalin ah ku wareejiyay Maama Iisha, si ay usii horumariso howlaha muhiimka oo ay bulshada u heyso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here