Sawirro: Duqa magaalada Muqdisho oo xarigga ka jaray xarun muhiim ah

0

MUQDISHO (SMN) – Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta xariga kajaray dhismaha barxada Biyaasa Liibaro ee degmada Xamar Jajab oo ay dowlada hoose Xamar ku sameysay dib udhis goobtaas oo loogu talagalay in lagu baakimo gaadiidka Xamuulka ah si loo yareeyo saxmada balaaran ee kajira isku socodka wadooyinka Caasimadda.

Barxada Biyaasa Liibaro oo ah goob danguud ah ayaa muda ku dhow 30-sano helin wax dayactir ah, iyadoo dhawaan uu duqa magaalada Muqdisho amar ku bixiyay dhismaha goobtan si bulshada loogu qidmeeyo.

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) oo goobta kula hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dhismahaan Biyaasa Liibaro ay qeyb ka tahay qorshaha maamulka gobolka Banaadir ee la xariirta xal u helida saxmada xoogan ee kajira wadooyinka magaalada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here