Madaale oo deg deg ugu soo laabtay dalka kadib weerarkii gobolka Banaadir + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo safar shaqa ugu maqnaa Dalka Kuwait ayaa maanta si deg deg ah ugu soo noqday Magaalada Muqdisho si uu ugu kuurgalo dhibaatadii ka dhacday xarunta Aqalka Dowlada Hoose ee Xamar oo ay dad ku wax yeeloobeen.

Guddoomiye Madaale oo ay wehlinaayan Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda iyo Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaada Gobolka Banaadir ayaa ugu horeyn booqday Isbitaalka Erdogan Ex-Digfeer oo lagu daweynayo dadkii ku wax yeeloobay weerarkii ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir, isagoo u rajeeyay in uu ilaaheey caafimaad deg deg siiyo.

Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sidoo kale kormeeray xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar oo ah goobtii ay weerarka kusoo qaadeen xubno ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo saacado kadib gudaha ay ku toogteen Ciidanka Amniga.

Ugu dambeyn Duqa Magaalada Muqdisho ayaa Kulan gaar ah oo isugu jiray Tacsiyeen, iyo Mahadcelin ku aadan gurmadkii la fidiyay la qaatay Guddoomiye ku-xigeenada Gobolka saraakiisha Amniga, Aggaasimayaal iyo Guddoomiyaasha Degmooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here