Duqa Muqdisho oo gudoomiyay shir looga hadlayey dakhli dowladda hoose

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Maanta shir gudoomiyay shirka Guddoomiyasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Kulanka ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Gudoomiye ku xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir Xoghayaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, waxaa looga hadlay kulanka la dagaalanka kooxaha ciyaal weerada iyo dhalinyarada isticmaasha mukhaadaraadka oo kusoo badanaya magaalada iyo dakhli Kordhinta Dowlada Hoose.

Sidoo kale waxaa shirka looga hadlay mataaneynta Dowlada Hoose Muqdisho iyo Dowlada Hoose ee magaalada Kunya ee Dalka Turkiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here