Duqa Muqdisho oo kormeeray xarunta waaxda caafimaada ee dowladda hoose

0

MUQDISHO (SMN) -Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Filish) ayaa maanta kormeeray xarunta waaxda Caafimaadka ee dowlada hoose Xamar si uu ugu kuurgalo howlaha baaxada leh oo ay waaxdani u heyso bulshada Caasimadda.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa marka hor mid mid u booqday xafiisyada Waaxda xarunta Caafimaadka oo xilligaasi ay ka socotay shaqo culus.

Sidoo kale wuxuu wareysiya kala duwan la yeeshay howl wadeenada xaruntani si uu uga dhageesto shaqada ay bulshada u hayaan iyo tayada adeegyada ay bixiyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here