Duqa Muqdisho oo kulan la yeeshay Safiirka Imaaraadka Carabta + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Danjiraha Cusub ee Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta Mudane Axmed Jumca Alromaith.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa ugu mahadceliyay Dowladda Emarat-ka garab istaaga shacabka Soomaaliyeed xilliyada adag ee lasoo maray, gargaarka bini-aadannimo iyo Qorshaha dib loogu furaayo Isbitaalka Sheekh Zaaid ee ku yaala Degmada Shingaani

Danjire Axmed ayaa ugu mahadceliyay Duqa Magaalada Muqdisho sida qalbi furnaanta leh oo uu usoo dhaweeyay, asigoona ku amaanay ka go’ naashiyaha horumarka Caasimadda.

Sidoo kale waxa uu balan qaaday in uu ka shaqeyn doonno xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo midka iskaashi ee ka dhaxeeya labada shacab, iyo sidii ay Dowladda Emaratka gacan ugu geysan laheyd Qorshayaasha horumarineed iyo isku xirka Labada Caasimadood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here