Duqa Muqdisho oo kulan la yeeshay wafdi ka socda dalka Turkiga + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi isugu jiray Ganacsato ka socotay Dalka Turkiga, u qeybsanaha Arrimaha Ganacsiga ee Safaarada Soomaaliya Mardiya Mohamed Abdi iyo Madaxa hey’adda TIKA ee Soomaaliya Mr. Ilhami Turus. Iyagoo kawada hadlay fulinta mashaariic wax ku’ool ah oo laga fuliyo Caasimadda JFS.

Kulankan ayaa sidoo kale looga hadlay arrima ay kamid yihiin iskaashiga la xariira Dhismaha Wadooyinka, xarumaha Danta Guud, hirgalinta Warshadaha Wax soo saarka, Shaqa abuurka Dhallinyarada, xal u helida Qaxootiga iyo Barakacayaasha.

Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ugu dambeyn uga mahadceliyay Dowladda Turkiga iyo shacab keeda kaalinta joogtada ah oo ay la garab taagan yihiin Ummada Soomaaliyeed, gaar ahaan horumarrinta Caasimadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here