Sawirro: Duqa Muqdisho oo la kulmay guddoomiyaha guddiga doorashada

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta xafiiskiisa xarunta aqalka Dowladda hoose ee Xamar ku qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka heer Federaal Maxamed Xasan Cirro.

Kulankaan ayaa loogu hadlay sidii loo dar-dar gelin lahaa guud ahaan doorashooyinka golaha shacabka ee dalka ka socda, gaar ahaan sidii xal loogu heli lahaa muranka taagan.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho u balan-qaaday Guddiga doorasho in ay kala shaqeyn doonaan wixii fududeyn ah ee ku aaddan Kuraasta doorashadooda ay ka dhaceyso gobolka Banaadir.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here