Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray dhismaha waddo muhiim ah + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Maanta Xariga ka jaray Waddo laami ah oo isku xirta isgoyska Baar Ubax iyo Warshadda Taraqa iyo sigaarka ee magaalada Muqdisho.

Wadadaan ayaa muhiim u ah isku socodka gadiidka iyo dadweynaha,waxaana dhismaheeda iska kaashaday Maamulka Gobolka Banaadir iyo shacabka degmada Howlwadaag.

Gaadiidlayda iyo dadka deegaanka ayaa soo dhoweeyay dhismaha  wadadan lagu sameeyay  oo muddo dheer aan wax dayactir ah helin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here