Duqa Muqdisho oo xilalkii ka qaaday guddoomiyeyaal degmo

0

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xilalkii ka qaaday afar gudoomiye degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir.

Guddoomiyaasha xilka laga qaaday ayaa waxaa ka mid ah.

1- Guddoomiyaha degmada Xamar Weyne Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir.

2- Guddoomiyaha Kaaraan Abshir Kaaraan.

3- Guddoomiyaha degmada Waabari Cabdicasiis Cismaan Jaamac.

4- Guddoomiyaha degmada Hiliwaa Cabdixakiin Cumar Cabdulle,

Cumar Filish ayaa sidoo kale guddoomiyaha cusub ee maamulka degmada Heliwaa u magacaabay, Mire Salaad Dhuxulow, halka ku simeyaal guddoomiye uu umagacaabay degmooyinka kale ee Xamarweyne, Kaaraan iyo Waabari ee gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here