Duqeyn diyaaradeed oo xalay ka dhacday deegaanka Tooratoorow

0

TOORATOOROW (SMN) – Faahfaahin dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar dhanka cirka ah oo ay xalay diyaarado dagaal ka fuliyeen deegaanka Tooratoorow ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Duqeyntaan oo aheyd mid culus ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday goobo ay ku sugnaayeen xoogaga Al-Shabaab oo gacanta ku haya deegaankaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamo hubeysan ay gudaha ugu daateen Tooratoorow, kadibna ay ka fuliyeen howlgal culus, sida ay shaaciyeen ilo deegaanka ah.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi iyo howlgalka xigay, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya iyo dhinaca Al-Shabaab.

Muddooyinkii u dambeeyey ciidamada huwanta ayaa kordhiyey dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here