Duqeyn khasaare geysatay oo xalay ka dhacday gobolka Gedo

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay duqeyn la sheegay inay diyaaradaha dagaalka Kenya ka fuliyeen deegaanka Ceel-Cadde ee gobolka Gedo.

Duqeyntan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay waxyeelo kasoo gaartay dad shacab ah, gaar ahaan hooyo iyo lix caruur ah oo ay dhashay.

Wararka ayaa sheegaya in hooyada oo lagu magacaabi jiray Sahro Aadan Warsame ay geeriyootay, halka ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen caruurta.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka gobolka Gedo iyo saraakiisha Kenya oo ku aadan duqeyntaasi khasaaraha dhalisay.

Gobolka Gedo waxaa inta badan ka dhaca duqeymo diyaaradeed oo ka dhan ah dagaalyahanada Al-Shabaab, hadane waxa ay khasaare kasoo gaaraan weeradaasi dadka rayidka ah ee ku dhaqan deegaanada la bartilmaameedsado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here