Duqeyn lagu beegsaday Al-Shabaab oo ka dhacday agagaarka Xarardheere

0

XARARDHEERE (SMN) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay howlgal ay ciidamada dowladda maanta ka sameeyeen agagaarka degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Howlgalkan ayaa waxaa barbar socotay duqeyn lagu beegsaday xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaanka Beer-faarax ee koonfurta gobolkaasi.

Saraakiisha howlgalka horkacayey ayaa shaaca ka qaaday inay la wareegeen gacan ku heynta deegaankaas oo ay sheegeen inay isku uruursanayeen xoogaga Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa ay saraakiisha intaasi ku sii dareen in howlgalka iyo duqeynta xigtay lagu dilay ugu yaraan illaa 40 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkan ee ay guulaha ka sheegatay dowladda federaalka Soomaaliya.

Si kastaba, Xarardheere ayaa ka mid ah degmooyinkii ugu dambeeyay ee lagala wareegay Al-Shabaab oo haatan wajaheysa kacdoon ay horkaceyso dowladda federaalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here