Ehellada walaalihii lagu dilay magaalada Muqdisho oo cadaalad dalbanayo

0

MUQDISHO (SMN) – Ehallada wiil iyo gabar wadadhashay oo xalay lagu dilay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aanay maydadka ehelkooda aasi doonin illaa laga keeno askartii dishay.

Xalay fiidkii ayey aheyd markii Sakariye Maxamed Xuseen iyo Sowdo Maxamed Xuseen ay haleeleen xabbado ay soo rideen askar la sheegay inay ka tirsan yihiin ciidammada federaalka ee Soomaaliya.

Dilka ayaa ka dhacay Isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay wararku sheegayaan inay maraysay mooto bajaaj ah oo ay saarnaayeen labada marxuum.

Wararku waxa ay intaasi ku darayaan in ciidammada dilka gaystay ay saarnaayeen gaari nooca Cabdi Bilaha loo yaqaan ah, kuwaas oo xabbado riday si ay u fududeeyaan saxmad halkaas ka jirtay.

Cabdullaahi Maxamed Cabdulle oo ay ilma abti iyo ilma eedo yihiin labada marxuum ayaa sheegay in markii ay rasaasta haleeshayba uu Sakariye geeriyooday, halka Sowdana dhaawac ahaan lagu qaaday kaddibna ay ku geeriyootay isbitaalka.

“Sakariye iyo Sowdo waxaa dhashay eedaday aabay la dhalatay Xaadsan Cabdulle Maxamed, dilkoodana waxaan ku ogaannay, waxaan wacnay markii ay xoogaa naga maqan yihiin, markaas oo uu telka naga qabtay wiilkii waday bajaajtii ay raaceen,” ayuu yiri Cabdullaahi.

Waqtigii uu shilka dhacayay waxa ay Sakariye iyo Sowdo adeeg u raadinayeen walaashood ka yar oo ku foolanaysay isbitaalka Yardameli ee magaalada Muqdisho, hasayeeshee nasiib-darro lagula kacay falkaasi arxan darrada ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here