Ergayga gaarka ah ee QM oo ka warbixiyey xaaladda guud ee Soomaaliya

0

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan oo hadal ka jeediyay Golaha Amaanka oo uu kaga hadlayay xaaladda Soomaaliya ayaa bogaadiyay dhammaan madaxdii Soomaaliyeed ee baadi-goobka u galay isu-tanaasul iyo sidii loo gaari lahaa heshiis wadar-oggol ah, isla markaana ka shaqeeyay sidii xaalada loo dejin lahaa iyadoo loo daneynayo Qaranka iyo dadka Soomaaliyeed.

Kooxda Qaramada Midoobay waxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ka taageerayaan qaban qaabada shir-madaxeedkan, waxayna si weyn uga mahad celinayaan kaalmada deeq-bixiyeyaasha muhiimka ah ee ku aaddan arrintan. Waxaan si dhow u wada shaqeynaa Midowga Afrika,Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, iyo saaxiibada kale oo aan kawada shaqayno dadaalada diblomaasiyadeed.

Si loo guda-galo doorashooyinka waxaa muhiim ah in la dhaqan-geliyo qoondada haweenku ku leeyihiin matalaadda labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka la na dardar geliyo Ka qayb-gelinta haweenka, dhalinyarada iyo kooxaha laga tirada badan yahay oo laga qayb-geliyo go’aan qaadashada siyaasadeed ee horay loogu soconayo si loo xaqiijinta horumarka dalka iyo nabad waarta oo ka hana-qaadda Soomaaliya.

Waxaan mar kale ku boorinayaa madaxda Soomaaliyeed inay si niyad wanaag leh u raadiyaan xalka, isla markaana muujiyaan hogaaminta dalku uga baahan yahay iyaga xilligan taariikhiga ah si gaar ah Saxiixayaasha heshiiskii 17kii Sebtember waa inay hadda la yimaadaan waddo cad oo horay loogu socdo si loo qabto doorashooyinka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here