Ergeyga Soomaaliya ee Ururka OIC oo waraaqaha aqoonsiga laga guddoomay

0

MUQDISHO (SMN) – Ergeyga Dowladda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Ururka Iskashiga wadamada Islaamka(OIC) Dr.Ibraahin Aadan Muuse,ayaa waraaqaha aqoonsiga u gudbiyay Dr.Xuseen Ibraahin Taah oo ah Xoghayaha Guud ee Ururkaasi.

Kulankii dhinacyadaasi oo ka dhacay magaalada Jiddah,waxaa laga wada-hadlay baahida loo qabo xaqiijinta siyaasadda dunida ee dalalka islaamka.

Ergeyga Dowladda FS u qaabilsan ururka Iskashiga wadamada Islaamka(OIC),Waxa uu ka mahadceliyay sida ldiiran ee loo soo dhoweeyay, isagoo ballanqaaday in uu ku dadaali doono ballaarinta xiriirka iyo wax wada  qabsiga.

Ururka Iskashiga wadamada Islaamka(OIC), waxaa la aasaasay 1969- kii,waxaana ku bohoobay 57 dal oo islaam ah .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here