Faah faahino kasoo baxaya shil diyaaradeed oo ka dhacay Ceelwaaq

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa shil diyaaradeed oo saaka aroortii hore ka dhacay garoonka diyaaradaha degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Wararka ayaa sheegaya in diyaarad sidday rakaab, isla-markaana ka timid  Nairobi inay ku dhacday garoonkaasi, xilli ay ku sii jeeday degmada Elwak ee ismaamulka Mandera.

Ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay ayaa Shabelle u sheegay in diyaaraddu ay sidday illaa 45 qof, kuwaas oo qaarkood ay waxyeelo kasoo gaartay shilkaasi.

Garoonka ay diyaaradda ku dhacday ee ku yaal Ceelwaaq ayaa la sheegay in uu xirnaa sanadihii lasoo dhaafay, balse duulaha ayaa ka dajiyey diyaaradda, kadib cilad ku timid

Si kastaba, illaa iyo hadda ma jiro wax faah faahin ah oo mas’uuliyiinta maamulka degmada iyo kuwa gobolka ay ka bixiyeen shilkaasi diyaaradeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here