Faah faahin: Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay degmada Baardheere

0

BAARDHEERE (SMN) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah, loona adeegsaday Mooto Bajaaj oo maanta ka dhacay gudaha magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala bartilmaameedsaday gaari uu la socday maareeyaha garoonka diyaaradaha ee degmadaasi Mudane Jaamac Cali.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in uu dhaawac fudud soo gaaray maareeyaha, isla-markaana uusan jirin khasaare kale oo uu geystay qaraxa.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo mas’uuliyiinta maamulka degmada Baardheere oo ku aadan qaraxaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here