Faah faahino ka soo baxaya dagaal ka dhacay deegaanka Janaale

0

AFGOOYE (SMN) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal saaka ka dhacay gudaha deegaanka Janaale oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalka ayaa wuxuu u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo weerar ku qaaday qeybo ka mid ah deegaankaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka dhex-maray labada dhinac uu qaatay saacado kooban, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan kuwa ka howl-gala Janaale ayaa waxa ay sheegeen in dagaalkaas ay ku dileen labo ka tirsanaa raggii weerarka soo qaaday.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo howl-gal ka wada Janaale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here