Faah faahino ka soo baxaya dagaal xalay ka dhacay magaalada Laascaanood

0

LAASCAANOOD (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xalay saq-dhexe ka dhacay gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaas oo u dhexeeyay ciidamada Somaliland iyo maleeshiyaad hubeysan.

Iska hor imaadka oo saacado badan qaatay ayaa yimid, kadib markii ay dabley hubeysan ay weerartay saldhig ciidamada Somaliland ay ku leeyihiin xaafadda Durdur ee magaaladaasi.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa innoo sheegay in dagaalka la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, ayna ku dhaawacmeen illaa saddex qof.

Illa aiyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada Somaliland oo ku aadan dagaalka xalay ka dhacay halkaasi.

Dhanka kale waxaa Laascaanood ka billowday barakac ay sameynayaan dadka deegaanka, maadaama ay sii korortay xiisadda ka taagan gudaha magaaladaasi oo ku taalla waqooyiga Soomaaliya.

Rabshadaha ka socdo Laascaanood ayaa galay todobaadkii labaad, waxaana looga soo horjeedaa dilalka inta badan dadka haldoorka ah loogu geysto gudaha magaaladaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here