Faah faahino ka soo baxaya qarax ka dhacay degmada Ceelwaaq

0

CEELWAAQ (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta qarax miino uu ka dhacay gudaha degmada Ceelwaaq, kaas oo waxyeelo geystay.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay hool ku dhex yaalla xarunta maamulka degmada, xilli ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Jubbaland.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaasi ku dhaawacmay illaa labo askari oo ka tirsan ciidamada ammaanka ee maamulkaasi.

Sidoo kale waxaa goobta soo gaaray burbur xoogan oo uu sababay qaraxaasi miino.

Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana socda baaritaano dheeraad ah oo ay wadaan laamaha ammaanka ee ka howl-gala degmada Ceelwaaq.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here