Faah faahino ka soo baxaya qarax ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax saaka ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo, kaas oo lagu soo warramayo in lala eegtay ciidamada Jubbaland.

Qaraxa ayaa ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso, waxaana uu haleelay mid ka mid ah kolonyo gaadiid ah oo  ay wateen ciidamadaas, sida ay innoo xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in qaraxan ay waxyeelo kasoo gaartay ciidamada Jubbaland ee lala beegsaday, balse ma cadda inta uu gaarsiisan-yahay.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku sii daraya in ciidamada la qarxiyey ay kusii jeedeen deegaanka Beerxaani ee gobolka Jubbada Hoose, isla-markaana ay wateen socdaalkooda.

Xaaladda ayaa haatan degan, mana jiro wax faah faahin ah oo saraakiisha ammaanka dowlad goboleedka Jubbaland ka bixiyeen qaraxaasi iyo khasaaraha ka dhashay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here