Faah faahino ka soo baxaya qarax ka dhacay duleedka Muqdisho

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax saaka ka dhacay nawaaxiga isgoyska Ex-Control Afgooye ee duleedka magaalada Muqdisho, kaas oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu weeraray dhismaha xerada ay dagan yihiin ciidamada Asluubta Soomaaliyeed oo ku taalla halkaasi.

Warar ayaa sheegaya in gaariga siday qaraxa lagu dhuftay darbi ka mid ah dhismaha xerada, xilli ay saf ku jireen ciidamo ka tirsan kuwa Asluubta oo ku sugnaa gudaha xeradaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxan ay waxyeelo kasoo gaartay in ka badan 10 qof oo isugu jiro shacab iyo askar, sida ay shaaciyeen saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka Soomaaliya.

Weerarka qaraxa ah, kadib waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya, balse ma jirto illaa iyo hadda wax faah faahin ah oo ay laamaha ammaanka qaraxaasi.

Inta badan dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa weeraro qaraxyo ah ka fuliya wadada dheer ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here