Faah faahino ka soo baxaya dil xalay ka dhacay magaalada Baydhabo

0

BAYDHABO (SMN) – Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa xalay lagu dilay Allaha u naxariistee guddoomiyihii xaafadda Daaru-Salaam ee magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in rag hubeysan ay ku toogteen xaafadda Bardaale oo ka tirsan magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in ragga dilka geystay ay goobta isaga baxsadeen, waxaana goor dambe gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee maamulkaasi.

Baydhabo ayaa waxaa maalmihii u dambeeyey ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, sida dilal, qaraxyo iyo weeraro Al-Shabaab ay ka fulinayeen halkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here