Faah faahino kasoo baxay iska hor imaad ka dhacay Muqdisho

0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay iska hor imaad u dhexeeyey ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda oo saaka ka dhacay agagaarka isgoyska Ex-Control Afgooye ee magaalada Muqdisho, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Israsaaseynta ayaa timid, kadib markii ay isku dhaceen ciidamo isku qabtay lacago laga qaado gaadiidka laga raro halkaasi.

Ku dhowaad 5 qof ayaa lagu warramayaa inay ku dhinteen dagaalkaasi, kuwaas oo isugu jiray shacab iyo askar intaba.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan israsaaseyntaasi dhalisay khasaaraha dhimashada iyo dhaawacaba leh.

Xaaladda ayaa haata aad u kacsan, balse waxaa goobta gaaray ciidamo kale oo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here