Faah faahino kasoo baxaya dagaal beeleed ka dhacay gobolka Galgaduud

0

MUQDISHO (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxaan dagaal u dhexeeyey maleeshiyo beeleed iska soo horjeeda oo ka dhacay deegaanka Turbi oo hoostaga degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkan ku dhintay ugu yaraan 3 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.

Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in maleeshiyaadka dagaalamaya ay weli isku horfadhiyaan deegaanka ay ku dagaalameen, waxaana ka socda dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda.

Sidoo kale waxaa billowday dadaallo ay wadaan oday dhaqameedyada iyo culuma’udiinka ku dhaqan degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here