Faah faahino kasoo baxaya dagaal culus oo ka dhacay deegaanka Bariire

0

AFGOOYE (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in xalay dagaal u dhexeeyey Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda uu ka dhacay deegaanka Bariire ee gobolkaasi.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii xubno ka tirsan dagaalyahanada Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ciidamada milatariga Soomaaliya ay ku leeyihiin halkaasi.

Ilo dadja deegaanka ah ayaa innoo sheegay in weerarka, kadib uu dagaal foolka fool ah uu dhexmnaray labada dhinac, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay labada dhinac.

Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaase lagu soo warramayaa in ciidamada Xoogga dalka ay dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabeen agagaarka deegaanka Bariire ee gobolka Sh/ Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here