Faah faahino kasoo baxaya dagaal ka dhacay degmada Qansaxdheere

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyey dagaalyahanada Al-Shabaab iyo ciidanka Koonfur Galbeed oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay degmada Qansaxdheere oo ka tirsan gobolka Baay ee koonfurta Soomaaliya.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii xoogaga ka tirsan Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen saldhig ciidamada Koonfur Galbeed ay ku leeyihiin gudaha degmadaasi.

Warar ayaa sheegaya in weerarka, kadib uu dagaal foolka fool ah ka dhacay halkaasi, kaas oo geystay khasaare kala duwan, walow aan la caddeyn karin inta uu gaarsiisan yahay.

Sidoo kale saraakiil ka tirsan Koonfur Galbeed ayaa shaaciyey in ay iska difaaceen weerarka lagu soo qaaday, isla-markaana ay khasaare gaarsiiyeen Al-Shabaab.

Xaaladda degmada Qansaxdheere ayaa haatan ah mid deggan, waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidamada daraawiishta ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here