Faah faahino kasoo baxaya dagaal ka dhacay gobolka Galgaduud

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal u dhexeeyey laba maleeshiyo Beeleed oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay duleedka degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Inta la ogyahay waxaa dagaalka ku geeriyooday illaa 9 ruux, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi kasii badan.

Sidoo kale waxaa inta uu dagaalka socday la gubay guryo ay daganaayeen qoysas xoolo dhaqaqato ah oo ku yaalla duleedka koonfureed ee degmada Balanbale.

Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaase weli goobihii lagu dagaalamay isku horfadhiya maleeshiyaadka labada dhinac, mana jiro weliwax hadal ah oo kasoo baxay Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here