Faah faahino kasoo baxaya dagaal ka dhacay gobolka Jubbada Hoose

0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyey ciidamada Jubbaland iyo Al-Shabaab oo maanta ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku billowday qarax ku qaadeen saldhig ciidamada Jubbaland ay ku leeyihiin gudaha deegaanka Baarsanguuni ee gobolkaasi, kaas oo uu xigay dagaal foolka fool ah.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka intii uu socday la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana jira khasaare leh dhimasho iyo dhaawac.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa guullo ka sheegatay dagaalkan, waxaana ay shaacisay inay ku dishay ugu yaraan 8 askari oo ka tirsanaa ciidanka Jubaland, sida ay hadalka u dhigtay.

Xaaladda deegaanka Baarsanguuni ayaa haatan ah mid deggan, waxaana ku sugan ciidamada Jubbaland oo howl-gallo iyo dhaq-dhaqaaqyo milatari ka bilaabay halkaasi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here