Faah faahino kasoo baxaya dagaal ka dhacay gobolka Jubbada Hoose

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyey Al-Shabaab iyo ciidamada Kenya oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaan ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

Dagaalka ayaa yimid, kadib weerar ay dagaalyahanada Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ciidanka Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Cabdalle Biroole ee gobolkaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in labada dhinac ay dagaalka isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, isla-markaana uu jiro khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, balse aan la caddeyn karin, inta uu la’egyahay.

Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya oo dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabay halkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here