Faah faahino kasoo baxaya dagaal ka dhacay gobolka Jubbada Hoose

0

KISMAAYO (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in xalay dagaal u dhexeeyey ciidamada Jubbaland oo kaashanaya kuwa Kenya iyo Al-Shabaab oo dhinac kale ah uu ka dhacay deegaanka Jaziiradda Kudhaa oo ka tirsan gobolkaasi.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen saldhig ciidamada Jubbaland ay ku leeyihiin halkaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in weerarka kadib uu dagaal foolka fool ah uu ka dhacay Kudhaa, balse ma cadda inta uu la’egyahay khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.

Dhinaca kale Al-Shabaab oo ka hadashay weerarkaasi ayaa shaacisay inay la wareegtay gacan ku heynta saldhigga uu dagaalka ka dhacay, sida ay hadalka u dhigtay.

Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here