Faah faahino kasoo baxaya dagaal ka dhacay gobolka Jubbada Hoose

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhexeeyey ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM iyo Al-Shabaab oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamadaasi ay ku leeyihiin deegaanka Kulbiyow, waxaana xigay dagaal culus oo foolka fool ah, kaas oo u dhex-maray labada dhinac.

Ilo dadka deegaanka ayaa sidoo kale innoo sheegay in dagaalka uu qaatay saacado badan, isla-markaana ay soo wajahday cabsi xoog-leh.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey intaba, maadaama goobta la weeraray ay tahay xero ciidan, ayna adag tahay in xog laga helo.

Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab iyo saraakiisha ciidanka AMISOM oo ku aadan dagaalkaasi.

Xaaladda ayaa sidoo kale haatan aad u kacsan, waxaana deegaanka lagu dagaalamay ku sugan ciidamada Kenya oo dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabay halkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here