Faah faahino kasoo baxaya dagaal ka dhacay gobolka Mudug

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo u dhexeeyey ciidamada Xoogga dalka, kuwa Galmudug oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab oo ka dhacay deegaano dhac koonfurta gobolka Mudug ee bartamaha wadanka Soomaaliya.

Dagaalka ayaa ka qarxay tuulada Qeycad oo u dhaxeysa deegaanada Bacaadweyne iyo Shabeelow ee gobolkaasi, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in howl-galkan uu horkacayo wasiirka amniga dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Macalin Fiqi oo ku sugan aaga uu dagaalku ka socdo.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here