Faah faahino kasoo baxaya dagaal ka dhacay gobolka Shabeelaha Dhexe

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in markale dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogaga Al-Shabaab uu ka dhacay deegaanka Biyo Cadde ee gobolkaasi.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada Xoogga dalka ay ku leeyihiin deegaankaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan ay ka qeyb-qaateen ciidamada AMISOM oo madaafiic ugu jawaabay weerarka ay soo qaadeen dagaalyahanada Al-Shabaab.

Ugu yaraan labo askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda ayaa lagu dilay dagaalkaasi, iyada oo ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana dagaalkan uu kusoo aadayaa, iyada oo dhowaan weerar is-miidaamin ahaa ay Xarakada Al-Shabaab ka fulisay deegaanka Biyo Cadde, kaas oo ay ku dhaawacmeen saraakiil ka tirsan dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here