Faah faahino kasoo baxaya dagaal ka dhacay magaalada Jowhar

0

Warar heeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal khasaare geystay oo maanta Jowhar ku dhaxmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda macwiisleyda oo weerarayy barkootarool oo ay ku sugnaayeen ciidanka dowladda.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegay in iska horimaadka labada dhinac oo ahaa mid xooggan uu ku dhintay sarkaal ka tirsanaa madaxtooyada HirShabelle oo lagu magacaabi jiray Cali Madoobe.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daray ain dagaalkan uu daba socdo, kadib xarig loo geystay maleeshiyaad ka tirsan kooxda weerarka soo qaaday oo uu ku jiro taliyahooda, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dhinaca maamulka HirShabelle, wuxuuna dagaalkan kusoo aadayaa, iyadoo magaalada Jowhar ay la daalaa dhaceyso fatahaad u sameeyay wabiga Shabeelle.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in kooxda Macawiisleyda ay fariisimo ku leeyihiin dhinaca galeed ee magaalada Jowhar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here