Faah faahino kasoo baxaya dagaal ka dhacay duleedka Muqdisho

0

GUBADLEY (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal maanta ka qarxay duleedka magaalada Muqdisho, gaar ahaan dhinaca deegaanka Gubadley, kaas oo u dhexeeyo ciidamo ka wada tirsan kuwa milatariga dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Dagaalka ayaa waxaa lagu soo warramaaa inuu u dhexeeyo ciidamada Korneyl Saney Cabdulle iyo kuwa kale oo taabacsan Cismaan Xaadoole oo xilal kasoo qabtay HirShabelle, kuwaas oo isku qabtay arrimo la xiriira muran ka dhashay dhul ku yaalla halkaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa inoo sheegay in dagaalka uu xoogiisa ka dhacay agagaarka suuqihii hore ee xoolaha Xirgadheere, kaas oo ku yaalla duleedka Kaaraan.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in iska hor imaadka labada dhinaca ay waxyeelo ka soo gaartay dad shacab ah oo aan waxba-galabsan

Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana goobta lagu dagaallamay gaaray taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo saraakiil ciidan oo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here