Faah faahino kasoo baxaya dagaal saaka ka dhacay gobolka Mudug

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in saaka dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda, kuwa Galmudug iyo Al-Shabaab uu ka dhacay koonfurta gobolkaasi.

Dagaalka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhashay weerar ku billowday qarax oo Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhigyo ciidamada huwanta ay ku leeyihiin deegaanka Wisil oo u dhexeeya magaalooyinka Hobyo iyo Gaalkacyo.

Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in weerarka, kadib uu xigay dagaal toos ah oo saacado badan qaatay, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Labada dhinac ayaa guullo ka kala sheegtay dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey, waxaana Al-Shabaab ay sheegatay inay ku dishay illaa 34 askari, sida ay hadalka u dhigtay.

Dhinaca kale saraakiisha ciidamada dowladda oo dhankooda ka hadlay dagaalkaasi ayaa tilmaamay inay iska difaaceen weerarka lagu soo qaaday, isla-markaana ay khasaare gaarsiiyeen dagaalyahanadii weerarka soo qaaday.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo haatan laga dareemayaa deegaano dhaca koonfurta gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here