Faah faahino kasoo baxaya dagaal xalay ka dhacay degmada Xudur

0

Xudur (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyey ciidamada Itoobiya iyo xoogaga Al-Shabaab oo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii dagaalyahanada Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigga ciidamada Itoobiya ee degmadaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in weerarka kadib uu xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyey labada dhinac, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi, balse haatan xaaladda guud ayaa ah mid deggan.

Xudur ayaa ka mid ah magaalooyinka waa weyn ee hoostaga maamulka Koonfur Galbeed, waxaana sidoo kaleĀ  ay ka mid tahay degmooyinka ay go’doomiyeen xoogaga Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here