Faah faahino kasoo baxaya dagaallo ka dhacay Jubbada Hoose

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaallo u dhexeeyey Al-Shabaab iyo ciidamada Kenya oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Dagaallada ayaa yimid, kadib weeraro ay dagaalyahanada Al-Shabaab ku qaadeen saldhigyo ciidanka Kenya ay ku leeyihiin Jasiirada Kudhaa iyo deegaanka Hoosingow.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, isla-markaana uu jiro khasaare, balse aan la caddeyn karin.

Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya oo dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabay halkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here