Faah faahino kasoo baxaya dil ka dhacay duleedka magaalada Garoowe

0

GAROOWE (SMN) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil xalay sarkaal ka tirsanaa hay’adda amniga PMPF ee Puntland loogu geystay duleedka magaalada Garoowe ee xarunta gobol Nugaal.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Bootaan Maxamed Bootaan, waxaana la sheegay inuu nin hubeysan ku dilay deegaanka Laanta Hawada oo bari ka xiga Garoowe.

Taliska qaybta booliska ee gobolka Nugaal oo ka hadlay dilkan ayaa shaaca ka qaaday in gacanta laga soo dhigay ninkii ka dambeeyey falkaasi oo isku dayey inuu baxsado.

Dilkan ayaa noqonayo kii labaad oo maalmo gudahood ka dhaca Garoowe, waxaana ka horreeyey dil ay ciidamo ilaalo u ahaa madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland u geysteen gabar dhalinyaro aheyd, xilli la socotay gaari marayey bartamaha magaaladaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here