Faah faahino kasoo baxaya dil ka dhacay magaalada Beledweyne

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil xalay nin ganacsade ahaa loogu geystay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Cumar Yuusuf Cali Ducaale ayaa ka mid ahaa ganacsatada Gobolkaasi, waxaana la sheegay in lagu dilay xaafada Howlwadaag ee Magaalada Beledweyne.

Dilka Marxuumka ayaa waxaa fuliyay koox Bistoolado ku hubeysan oo sida dadka degaanku ay sheegeen goobta isaga baxsaday dilka kadib.

Maamulka Degmada iyo hay’adaha ammaanka Gobolka Hiiraan wali wax war ah kaam soo saarin dilkaasi xalay ka dhacay Magaalada Beledweyne, gaar ahaan xaafada Howlwadaag.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here