Faah faahino kasoo baxaya dil ka dhacay magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil ay barqanimadii maanta kooxo hubeysan ka geysteen gudaha magaalada Muqdisho.

Dilka oo ahaa mid qorsheysan, loona geystay askari ka tisanaa ciidamada taraafikada ayaa ka dhacay Warashadda Caanaha oo ku taalla degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya inay baxsadeen kooxihii ka dambeeyey dilkaas, kuwaas oo ku hubeysnaa Bistoolado.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya, kuwaas oo meydka askariga kasoo qaaday halkaasi.

Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, kuwaas oo isugu jiro dilal iyo qaraxyo oo qaarkood ay sheegatay Al-Shabaab.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here