Faah faahino kasoo baxaya dil qorsheysan oo ka dhacay magaalada Muqdisho

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dil ay kooxo hubeysan maanta oo Jimco ah ka geysteen qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Dilka oo ahaa mid qorsheysan ayaa ka dhacay degmada Yaaqshiid, waxaana loo geystay Cumar Idiris oo ka mid ahaa saraakiisha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

Wararka ayaa sheegaya in marxuumka la dilay, xilli uu sii galayey masjid ku yaalla agagaarka saldhigga degmadaasi, iyada oo ay baxsadeen raggii ka dambeeyey falkaasi dilka ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in Cumar Idiris uuka mid ahaa saraakiisha Booliska ee ka howl-galeysay saldhigga degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya ayaa sidoo kale gaaray goobta, kuwaas oo meydka marxuumka ka qaaday halkaasi.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, kuwaas oo u badan dilal qorsheysan oo ay badi sheegatay Xarakada Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here