Faah faahino kasoo baxaya dil wiil dhalinyaro ahaa loogu geystay Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Kooxo hubeysan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay xalay wiil dhalinyaro ahaa ku dileen qeybo ka mid ah degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Dilka oo ahaa mid qorsheysan ayaa ka dhacay xaafadda Jamhuuriya ee degmadaasi, waxaana loo geystay wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Mukhtaar Yalaxow.

Marxuumka ayaa waxaa la sheegay in rag burcad ah ay ugu galeen gurigiisa, kadibna ay ku fureen rasaas, taas oo dhalisay dhimashadiisa.

Sidoo kale Mukhtaar ayaa ka mid ahaa dhalinyarada deegaanka, waxaana si weyn looga yaqaanay xaafadda Jamhuuriya oo ka tirsan degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Illaa iyo hadda ma jiro wax faah faahin ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka ee Soomaaliya iyo sidoo kale maamulka degmada Kaaraan oo ku aadan dhacdadaasi.

Muqdisho ayaa waxaa maalmihii u dambeeyey ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, kuwaas oo isugu jira qaraxyo, dilal qorsheysan iyo dhac loo geysanayo shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here