Faah faahino ka soo baxaya dilal qorsheysan oo ka dhacay Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxay dilal xalay siyaabo kala duwan uga dhacay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Dilka koowaad ayaa ka dhacay degmada Hodan, gaar ahaan xaafadda Seybiyaano, kaas oo loo geystay askari ka tirsanaa ciidamada Gorgor ee dowaladda Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in dilka ay fuliyeen kooxo ku hubeysan Bistoolado oo toogasho ku dilay askariga xilli uu ku sii jeeday gurigiisa oo ku yaalla halkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in ragga dilka fuliyey ay goobta ka baxsadeen, waxaana goor dambe meesha ay wax ka dhaceen gaaray ciidamo ka tirsan kuwa amniga.

Sidoo kale dilka labaad oo ay geysatay koox burcad ah ayaa ka dhacay xaafadda Xoosh ee degmada Dharkenley, waxaana loo geystay wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray, Cabdixamiid Macalin Cali, waxayna ka qaateen taleefan uu watay marxuumka.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, sida, qaraxyo, dilal qorsheysan & dhac baahsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here